4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2017
AMISOM oo soo dhaweeysay in Sarkaalkii Al Shabaab ee dhinaca Qaraxyada uu isku soo dhiibo ciidanka dowladda

 

Arbaco, Maarso, 08, 2017 (HOL) –  Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, ayaa soo dhaweeyay in Xuseen Salaad Mukhtaar, oo ahaa sarakaal Al Shabaab u-qaabilsanaa dhinaca Qaraxyada uu isku soo dhiibo ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Baay.

Qoraal gaaban oo barta Twitter-ka ay soo dhigeen ayeey ku sheegeen, in rajo kale ay ka qabaan in dagaalyahanada Xarakadda Al Shabaab ka tirsan ay isku soo dhiibaan ciidamadda Dowladda, waa sida hadalka ay u dhigeen.

“ Ciidamadda AMISOM waxaa ay Al shabaab ugu baaqayaan in ay ka soo tagaan, oo ay hubka dhigaan, waxaa ay helayaan badbaado, si ay dib u dhiska dalkooda ay ugu qeyb-qaataan” ayeey lagu yiri Qoraalka gaaban.

Saraakiisha ciidamadda dowladda Soomaaliya, ee ku sugan gobolka Bay, ayaa shalay sheegay in sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab uu isku soo dhiibay ciidamadda.

Xuseen Salaad Mukhtaar, oo in mudo ah ka tirsanaa Al Shabaab, ayaa dowladda u yimid, waxaana uu dalbaday in la cafiyo, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay saraakiisha ciidanka dowladda.

Ciidanka dowladda waxaa ay kala kulmaan weeraro xooggan, dagaalyahanada Alshabaab, ee ku sugan koonfurta galbeed ee Soomaaliya.

Hassan Istiila 
[email protected]