4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2017
Marwada Madaxweynaha Dalka oo Haweenka Soomaalidda ugu hambalyeeysay “Maalinta Haweenka Adduunka”

Arbaco, Maarso, 08, 2017 (HOL) – Marwada Madaxweynaha Dalka Zeynab Cabdi Macalin, ayaa Haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeysay 8-da Maarso, oo ah “Maalinta Haweenka Adduunka”.

Marwo, Seynab, ayaa haweenka Soomaaliyeed, ku tilmaamtay in ay yihiin laf-dhabarka dalka, ayna door wanaagsan kasoo cayaareen nabad-galyada.

Magaladda Muqdishu, manta waxaa laga xusayaa maalinta caalamiga ah ee Haweenka.

Ugu danbayntii Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Zeynab Cabdi Macalin ayaa ku tilmaamtay in Haweenku ay ku leeyihiin horumarka bulshda door aan caadi ahayn marka la qeexayo aayaha Ummadda Soomaaliyeed.

Hassan Istiila 
[email protected]