4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2017
Isbahaysiga ay ka tirsan-tahay Drs Yusur Abraar oo Beeniyay in ay xil ka doonatay Muqdisho

/images/2017/Mar/

Arbaco, Maarso, 08, 2017 (HOL) – Isbahayga RAJO ayaa maanta oo Arbaco ah beeniyay in Drs. Yusur Abraar ay Magaalada Muqdisho u imaanayso sdii ay uga mid noqon lahayd xubnaha ku biiraya dowladda cusub ee uu soo dhisi doono Ra'iisul-wasaare Xasan Cali Khayre.

Warkan ka soo baxay Rajo oo ay xubin ka tahay Drs. Yusur ayaa si cad u beeniyay warar lagu soo daabacay qaar kamid ah mareegyada Somalida, kuwaasi oo sheegaya in Yusur ay ku biiri doonto dowladda Cusub.

Qorlaalkan si rasmi ah looguma cadayn magacyada warbaahinada saadaaliyay magacaabid-da Yusur oo horey uga soo mid noqotay dowlad-dii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Shiekh Maxamuud.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiligan waxaa ka socda dadaal lagu soo dhisayo xukuumada ugu horeysa ee Raysalwasaare Khayre, iyadoona ay joogaan siyaasiyiin badan oo xilal doon ah oo ka kala yimid daafaha caalamka.

Ra'iisul-wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan ka sheegay magaalada Muqdisho in uu soo dhisi doono xukuumad kooban oo bulshada u adeegta , xilli dalka oo dhami ay ka jirto abaar ay dad badani u geeriyoodeen.

Ugu danbayn,Drs.Yusur Abraar oo horey u soo noqotay gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dowlad-dii hore ayaa xilkaas muddo gaaban gudaheed isaga casishay ka dib khilaaf salka ku hayay wax is-daba marin ay ku eedeeysay dowlad-dii waqtigaas jirtay. 

Faysal M. Hassan
[email protected]