4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2017
Ilaalada hoteelada Muqdisho oo looga digay in ay xirtaan dareyska ciidamada

Arbaco, 08, 2017 (HOL) - (HOL) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Max’ed Aadan Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa uga digay ilaalada hoteellada Muqdisho in ay xirtaan dareyska ciidamada..

Waxaa uu sheegay cidii lagu arko iyadoo dareeska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ku ilaalinaysa hoteel in laga qaadi doono tilaabo sharciga waafaqsan.

‘’Ma ogolaaneyno ilaalada hoteellada Muqdisho in ay ku labistaan dharka ciidamada hadii ay ahaan lahaayeen kuwa militariga booliiska iyo qeybaha kale ee ciidamada, hadii ay yihiin hay’addo madaxbanaan oo la ogyahay oo u baahan ilaalo gaar ah waa in ay u sameeyaan ilaaladooda dareys kale oo aan aheyn kuwa ciidamada ayuu yiri’’taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sheegay in arintan tahay mid aan marnaba la aqbali Karin, madaama ciidamada qalabka sida sida uu hadalka u dhigay ka tirsaneyn ilaalada hoteellada Muqdisho.

Ugu danbeyntii, taliyaha ayaa ciidamada ku wargaliyayin ay qabtaan qofkii lagu helo isagoo wata dharka ciidanka dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]