Arbaco, 08, 2017 (HOL) - (HOL) – Iyadoo guud ahaan mar ka
la eego dalka Soomaaliya qeybo badan oo kala duwan laga soo sheegayo abaar
baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duuniyada, ayaa hadana dhinaca kale
waxaa bar bar socda cuduro ka dhashay abaarta iyo macaluusha.
Dr. Cismaan Xaaji Max'uud Dufle oo ka mid ah Dhakaatiirta waaweyn ee Soomaaliyeed dhinaca kalana ka tirsan xubnaha aqalka sare ayaa sheegay ayaa sheegay in ay jiraan cuduro badan oo ka
dhasha xaaladaha abaaraha, kuwaasoo uu xusay inuu ugu horeeyo cudurka shuban
biyoodka ama Daacuunka (Cholera).
“Cudurkan shuban biyoodka waxa uu fara kulul ku hayaa
dadka abaaruhu ku sameeyeen illaa 11 gobol oo ay hoos tagaan 43 degmo, wuxuuna
labadii bilood ee u dambeysay haleelay dad gaaraya 7,731 qof, waxaana u dhintay
illaa hadda 183 qof sida lagu xusay warbixin ay soo saareen, Ururka Caafimaadka
Adduunka (WHO) iyo Wasaarada Caafimaadka, waana xaalad aad u daran” ayuu yiri
Dr. Dufle.
Waxaa uu intaa ku daray dhaqtarku in maadaama macluusha
iyo abaartu ay ka jirto dalka oo dhan in cudurkan uu saameeyey dhamaan qeybaha
bulshada, uusana jirin dad gaar ah oo uu ku badan yahay, isagoo xusay iney ugu
sii daran yihiin caruurta da’doodu ka hooseyso shanta sano, dadka da’da ah oo
rag iyo dumarba leh iyo haweenka uurka leh.
“Cudurada kale ee laga soo sheegayo gobolada ay abaaruhu
ku dhufteen waxaa ka mid ah cudurka Qaarjeexa oo caruurta u badan, waxaa sidoo
kale meelaha qaar laga soo sheegayaa cudurka Jadeecada oo caruur badan dhimasho
u geystay, waxaana taagan runtii wax aad looga naxo iyo xaalad bani’aadamnimo
oo u baahan wax ka qabasho deg deg ah” ayuu sidoo kale yiri Prof. Dufle oo
saxaafada gudaha iyo dibeda qaarkood kula hadlay Muqdisho.
Mar uu ka hadlayey cudurada iyo abaaraha hadda taagan
waxyaabaha ay kaga duwan yihiin kuwii dalka ka jiray sanadihii la soo dhaafay
ayuu Prof. Dufle xusay iney uga duwan yihiin arrimo ay ka mid yihiin daacuunka
ama shuban biyoodka hadda jira oo ka xoog badan kuwii hore iyo abaarta hadda
taagan oo uu sheegay inay wada saameysay dalka oo dhan, halka sanadihii hore
laga soo sheegi jiray gobolada qaar, ayna u gurmad jireen gobolada kale iyo
dowlada dhexe.
Dr. Dufle oo sidoo kale ka waramayey waxyaabaha illaa
hadda laga qabtay cuduradan ayuu sheegay iney jiraan dedaalo badan oo ay wadaan
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo ururka Caafimaadka WHO si loola tacaalo
cuduradan balse waxa uu ku sifeeyey dedaalada socda kuwo aad u yar marka la
eego baaxadda masiibada taagan.
“Ugu dambeyn waxaan ku celinayaa baaqii madaxweynaha
Jamhuuriyada federaalka Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ahaa in heyadda
samafalka, kuwa Qaramada Midoobay iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ay gargaar
deg deg ah la soo gaaraan shacabka Soomaaliyeed ee la ildaran abaaraha dalka ka
taagan si loo badbaadiyo dadka dhimashada qarka u saaran, waxaana ILAAHAY ka
baryeynaa inuu shacabkeena ka dulqaado abaaraha iyo cudurada ku habsaday” ayuu
hadalkiisa ku soo gebageebeyey Dr. Cismaan Xaaji Max’uud (Dufle).
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]