4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 8 , 2017
20 qof ayaa cudurka Shuban biyoodka ugu dhintay Gobolka Shabeelaha Dhexe

Arbaco, Maarso, 08, 2017 (HOL) – Degaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeelah Dhexe, waxaa laga soo sheegayaa in ugu yaraan 20 ruux ay u geeryoodeen  cudurka Shuban biyoodka.

Dadka cudurka u geeryooday, waxaa ay u badanyihiin carruur iyo dumar.

Gudoomiyaha degaanka Xawaadley Cabdulle Macaani Beerow, ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan dad kale oo cudurka la jiifa, xaruumaha caafimaadka deegaanka.

Koonfurta Soomaaliya oo ay ka jiraan abaaro xoogan, ayaa waxaa dadka ugu darsamay cuduro faafa.

Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in dhawaan loo gurman doono, dadka Abaaraha ay saameeyaan iyo kuwa kale ee cudurada la jiifa. 

Hassan Istiila 
[email protected]