4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 7 , 2017
Maxamed Abgaaal “nabadda Boorama ku seexato ayey Jig jiga iyo Jabuuti ku seexdaan, ma doonayno in go’doon labaad galno”

 

Talaado, Maarso ,07, 2017 (HOL)- Wasiirkii hore ee Boosta iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal ayaa sheegay inuu ka soo horjeeddo saldhiga Militari ee Imaaraadku ka samaysanayo Garoonka magaaladda Berbera la siinayo.

Maxamed Jaamac Abgaal ayaa sheegay inuu wali dawladda mushahar ka qaatay balse uu Ra’yigiisa dhabta ah ka sheegayo sida uu arko saldhiga Militari ee Imaaraadku ka samaysanayo Berbera,isla markaana uu sheegay in aanay Danni ugu jirin Somaliland, waxaanu xukuumadda ka codsaday inay dadweynaha qanciso.

“waxaan cadaynayaa in Saldhiga Ciidamada Berbera laga siiyey inaan la dareen qabo in aan saldhigaasi dani inoogu jirin, waan saluugsanahay, saldhigaasi maanta diyaar uma nihin oo si fudud buu inoo saamaynayaa oo qarankan buu saamayn ku yahay oo wadamadda dariska ayey saamaynaysaa, nabadda Boorama ku seexato ayey Jig jiga iyo Jabuuti ku seexdaan, ma doonayno in go’doon labaad galno oo jabuuti iyo Itoobiya go’doon ma labaad ka galno diyaar uma nihin”ayuu yidhi Abgaal.

Waxaanu intaas ku daray “xukuumadda waxaan leeyahay inta hadlaysa iyo inta aamusanba dawlad baad utihiin, nin la doortay ayaa madaxweyne ah oo xiitaa mucaaradka ka xishooda inay madaxweynaha wax ka sheegaan, ee marka la idin yidhaahdo na qanciya dee qanciya oo ha odhanina jabuutiba shan bay haysataa”.

Siyaasi Maxamed Jaamac Abgaal ayaa sheegay in aanu marnaba taageereen saldhiga Militari, isla markaana uu la ragti yahay dadka ka soo horjeeda ee u aragta in aanay Danni ugu jirin Somaliland iyo dalalka jaarka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.