4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 7 , 2017
Madaxweynaha maamulka Khaatumo oo ka deyriyay xaalada abaarta

 

Talaado, Maarso, 07, 2017 (HOL) -Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galayr ayaa ka dayriyay xaaladda abaareed ee ka jirta guud ahaan Gobolka Sool iyo Buuhoodle oo haatan maraysa halkii ugu darneyd.

Prof. Galayr waxaa uu aad ugu dheeraaday xaaladda Nololeed ee dadka reer guuraaga ah oo uu sheegay in maalinba maalinta ka danbaysa ay soo kordayaan dadka caydhoobey ee ku soo xeroonaya magaalooyinka.

"Aniga sheeko iyp shaahid kuma maqal xiligan oo kale, waxaa la marayaa in xoolihii yaraa ee dadka u hadhay haatan lagu masruufo galey oo sidii dadka Qado, Quraac iyo Casho la siiyo, waxaana taasi muujinaysaa heerka ba'an ee ay abaartu marayso" ayuu yidhi Galaydh,

Madaxweynaha maamulka Khaatumo oo shir saxaafadeed ku qabtay gurga uu ka degan yahay magaalada Widhwidh oo haatan xarun u ah maamulkiisa ayaa waxa uu baaq u diray Jaaliyadaha degaankaas, Beesha Caalamka, wadamada deriska ah, kuwa Carabta iyo cidkasta oo gurmad samayn karta.

Dhinaca kale Porf Galayr waxaa uu fariin dheer u diray beelo colaad guun noqotay ay ku  dhex martay galbeedka degmada Laascaanood, waxaanu ka codsaday in ay u hogaansamaan dadka iyo culimada isku xilqaantay ee uu ka mid yahay buu yidhi Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo haatan wada qorshe ay go'aan kaga gaadhayaan xiisadan oo galaafatay dad ku dhow 100 ruux.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool