4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 7 , 2017
Masaajidka dacwa St Paul oo u dabaaldagay sanadguuradiisii 10aad


Talaado, Maarso, 07, 2017 (HOL) Masaajidka Dacwa oo ku yaal magaalada St Paul ee gobolka Minnesota ayaa u dabaaldagay sanad guuradiisii 10aad   isagoo ah masjidkii ugu horeeyay ee laga furo caasimada gobolka Minnesota ee St Paul dhamaadkii bishii Febaraaayo ee sanadkii 2007. 

Munaasabad lagu xusayay sanadguuradaas ayaa lagu qabtay gudaha masjidka iyadoo ay ka soo qeybgaleen boqolaal qof halkaa oo lagu soo bandhigay barnaamijyo kala duwan.

Imaamka nMasaajidka Sh Xasan Max’ud Jaamici ayaa HOL u sheegay in mudadaas 10 sano ah ay soo islaamiyeen dad gaaraya 200 oo isugu jiray dhalinyaro iyo dad waaweyn marka laga reebo ayuu yiri adeegyada kale ee uu masjidku qabto sida salaada iyo waxbarashada diiniga ah.

Waxaa wax ku barta arday kor u dhaaftay300 ooisagu jira ilmaha iyo dad waawayn oo qaarkood ay gaarayaan 70 jiro kuna barta quraan kakariimka iyo daruuskala duwan sida uu noosheegay Qaasim Busuri oo ah agaasimaha Masjidka, adeegyadda aan fulinowaa ay kala duwan yihiin maalmaha fasaxa mar kala gareebo waxaan samaynaa caaawinta ardayda galinka danbe (after School) aan ku caawino daruusta ardayda dhigata iskuuladda kaladuwan ayuu yiri Busuri.

Barashadda diinta kasokoow waxaa laga fuliyaa xarunta barnaamijyo kala duwan oo wax kataraya arimaha bulshadda , sida barnaamijka toosinta tubta saxda ee dhalinyrada ka dhacday nolosha, booqashada xabsiyada, xalinta dhibaatooyinka qoyska,guurka iyo sharciyeentiisa,

Xafladda sanad guurada 10aad ee Mas.Dacwointii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay barnaamijiyo kala duwanoo ay soo bandhigeen ardayda iyo wayeelka wax ku barta masaajidka,

Waxaa isaguna ku sugnaa xarunta masjidka Davidoo 13 jir ah qoyskiisuna u fasaxeen inu usoo islaamo si uu ugu daydo Ibaarahim oo ah arday ka mida ku waxa xarunta aad ka ugu xiran ay iskuul wada dhigtaan kaa soo ay ku qanceen in tusaale u noqdo David, isagoo ka sheekeeyay qisooyinkii cajiibka ahaa ee uu la kulmay isbadalka noloshiisa ku yimid, hadeerna waxaa uu bartaa diinta islaamka David.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online MPLS,MN

[email protected]