4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 7 , 2017
Ciidanka Milatariga oo Muqdishu laga saarayo, Police-ka iyo Nabadsugida ayaa amniga lagu wareejin doono

 

Talaado, Maarso, 07, 2017 (HOL) – Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya Maxamed Aadan Axmed Buud, oo Warbaahinta kula hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidamadda Milatariga dowladda laga saari doono  dhamaan magaaladda Muqdishu.

“ Ciidanka Booliiska iyo Nabadsugida ayaa lagu wareejinayaa amaanka muqdisho, iyaga ayaana lagula xisaabtami doonaa” ayuu yiri taliyaha.

Ciidamadda Milatariga iyo kuwa kale ee ku sugan magaaladda ayaa dadka ay ku wareeraan kala saaridooda.

Haddii ciidanka laga saaro magaaladda waxaa macaquul ah isbedel dhinaca amniga. Ciidamo Milatariga ah oo tira badan ayaa ku sugan gudaha magaaladda, waxaana amniga uu galay isku haleyn, sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay, Maxamed Cali oo ah Qabiir dhinaca ciidamada.

Majirin nidaam kala soocaya waajibaadka ciidamadda dowladda, iyadoo ay ugu wacneed mishaar la’aanta heysata ciidanka.

Hassan Istiila

[email protected]