4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 7 , 2017
Askari ka tirsanaa Sirdoonka Soomaaliya oo caawa lagu dilay Magaaladda Muqdishu

 

Talaado, Maarso, 07, 2017 (HOL) – Koox hubeysan ayaa caawa degmadda Dharkeenley ku dilay, askari ka tirsanaa Sirdoonka Soomaaliya, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Dilka waxaa uu ka dhacay, xaafada Maclin Nuur, waxaana kooxdii dilka geysatay la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamadda dowladda, ayaa howlgallo ka wada xaafada caawa, lamana oga cida ay usoo qabteen dilka.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka.

Beryihii dambe degmadda Dharkeenley, waxaa kusoo badanayay dilalka gaadmada ah.

Hassan Istiila