4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 7 , 2017
Maxkamad-da Ciidamada Puntland oo xukun-no ku rid-day rag ku eedeysnaa Al-shabaab-nimo

/images/2017/Mar/
Talaado, Maarso, 07, 2017 (HOL) –Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun-no kala duwan ku rid-day rag muddo ku xirnaaa xabsiga weyn ee magaalada Bosaaso , isla markaana lagu soo eedeeyay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.

/images/2017/Mar/
Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada  C/fitaax Xaaji Aadan ayaa sheegay in rag-gan ay tiradooda gaarayso sideed Qof oo laba kamid ah lagu soo eedeeyay dil ka dhacay degmada Qandala ee gobolka Bari.

Xukunka lagu riday rag-gan ayaa sidan kala ahaa.

1:-Cabdiwaaxid Macalin Axmed oo 22- sano jir ah waxaa lagu xukumay 10 oo xarig ah.
2:-Maxamed Cali Xuseen oo 22 sano jir ah ,waxaa lagu xukumay 10 –sano oo xarig ah.
3:-Yaasiin Maxamed Cabdi oo 39-sano jir ah waxaa lagu xukumay 10-sano
4:-Cabdulahi Maxamed Barre oo 19-sano jir ah waxaa lagu xukumay 10-sano oo xarig ah.
5:-Ibraahim Yusuf Muxiyadiin oo 17-sano jir ah waxaa lagu xukumay 10-sano oo xarig ah.
6:-Maxamed Cabdiqani Xasan oo 33 –sano jir ah waxaa lagu xukumay 10-sano oo xarig ah.

Maxkamad-da ayaa sidoo kale dil toogasho ku xukuntay Mubaarak Mire Muumin iyo Faysal Ibraahim Cali ,waxaana labadan qof oo ahaa askar ka tirsan ciidanka Puntland ay ku eedeysnaayeen dilka qof shacab ah.

Ugu danbayn,Puntland ayaa maalmahan wad-day olole balaaran oo xukuno loogu fulinayo rag-ga loo soo xir-xiray arimo la xiriira al-shabaab-nimo ,iyadoo wali ay gudaha magaalada Bosaaso ay ka socdaan howl-galo xoogan oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.  

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]