4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 7 , 2017
Sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay

Talaado, Maarso, 07, 2017 (HOL) – Saraakiisha ciidamadda dowladda Soomaaliya, ee ku sugan Gobolka Bay, ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab uu isku soo dhiibay ciidamadda.

Xuseen Salaad Mukhtaar, oo in mudo ah ka tirsanaa Al Shabaab, ayaa dowladda u yimid, waxaana uu dalbaday in la cafiyo, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay saraakiisha ciidanka dowladda.

Ma jirto, war ka madax banaana sheegashada dowladda ee ah in sarkaalka uu usoo galay ciidamadda dowladda.

Ciidanka dowladda waxaa ay kala kulmaan weeraro xooggan, dagaalyahanada Alshabaab, ee ku sugan koonfurta galbeed ee Soomaaliya. 

Hassan Istiila
[email protected]