4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 7 , 2017
Dib u dhac ku yimid Waqtigii uu Furmi lahaa Kalfadhiga Sedexaad ee Baarlamanka Jubaland
Talaado, Maarso, 07, 2017 (HOL) –Gudoomiyaha baarlamanka dowlad goboleedka Jubaland Mudane Cabdi Max'ed C/raxmaan oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta baarlamanka Jubaland ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dib u dhac ku yimid furitaanka Kalfadhigii 3-aad ee baarlamanka Jubaland

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Kalfadhiga oo lagu waday in uu furmo 18-ka bishan dib loo dhigay ilaa 01-da Bisha April ee sanadkan, isagoo sheegay in dib u dhaca ay sababtay Gudoomiyeyaasha gudiyada baarlamanka iyo Gudoonka baarlamanka oo tababar laba todobaad socon doona u aadaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Waxa uu xusay in laga doonayo in mudaneyaasha ku maqan gobollada iyo kuwa kale ee dibadda ku maqanba in ay soo xaadiraan dabayaaqada bishan si ay uga qeybgalaan furitaanka Kalfadhigii 3-aad ee baarlamanka.

Hadalka gudoomiyaha ayaa kusoo beegmaya ayadoo mudaneyaasha baarlamanka Jubaland ay ku maqanyihiin fasax, laguna waday in Kalfadhigoodii 3-aad dib u furmo 18-ka Bishan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.