4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 7 , 2017
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe oo gaaray Magaaladda Baydhabo

 

Talaado, Maarso, 07, 2017 (HOL) – Xogahayaha cusub ee QM Antonio Guterres, ayaa hadda gaaray magaaladda Baydhabo ee Xaruunta ku-meel gaarka maamulka Koonfur-galbeed.

Waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxweyne Shariif Xasan, iyo xubnaha ka shaqeeya gurmadka Abaaraha dadka ay saameeyen.

Koonfur Galbeed, waxaa ay ka mid tahay meelaha gaarka ah ee ay saameysay Abaarta.

Ra’iisal Wasaaraha soomaaliya oo dhawaan la kulmay guddiga Abaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in 48 saac gudahooda 110 ruux in ay gaajo iyo haraad ugu geeryoodeen Gobolada Bay iyo Bakool.

Hassan Istiila

[email protected]