4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 7 , 2017
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo la horgeeyay dadkii lagu eedeeyay in ay ka dambeyeen Qaraxii ka dhacaay Suuqa Beerta

Talaado, Maarso, 07, 2017 (HOL) –Maxkamadda  Ciidmada Qalabka Sida ee Soomaaliya , ayaa manta waxaa ka soo hor muuqday 7-eedeysane oo lago eedeeyay in ay wax ka ogaayeen Qaraxyadii sandkii 2016 ka dhacay Suuqa Beerta.

Qaxarii ka dhacay Suuqa, waxaa ku geeryooday 30 ruux oo u badnaa, ganacsato, halka ku dhowaad 40 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa waxaa uu ka dhashay baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay suuqa beerta ee degmada Waaberi.

Maxkamadda ayaa looga fadhiyaa in ay go’aan kasoo saarto, 7 eedeysane.

Hassan Istiila

[email protected]