4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 7 , 2017
Maxey ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Xogahayaha QM Antonio Guterres oo manta Muqdisho yimid?

 Talaado, Maarso, 07, 2017 (HOL) – Safar aan horay loo sii shaacin ayuu Xogahayaha cusub ee QM Antonio Guterres uu ku yimid Magaaladda Muqdishu manta oo Talaado ah.

Amaanka magaaladda ayaa si weyn loo adkeeyay, balse imaanshaha Xogahayaha saameyn xoogan guud ahaan magaaladda kuma uusan yeelan, oo keliya waxaa la xiray laba wado oo magaaladda dhex-marta.  

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho, ayuu kulan Khaas ah kula yeeshay madaxweyne Farmaajo, waxaana ay ka wada hadleen arrimo laxariira abaarta.

“ Waxaan ka wada hadalnay sida loo caawin karo, dadka Soomaaliyeed ee Abaarta ay saameysay, loona bad baadin lahaa nolosha dad badan oo halis ugu jira abaarta, sidoo kale waxaan kulankeena khaaska ahaa aan doorka ku saarnay, amaanka dalka iyo xoojinta dagaalka lagula jiro Al-shabaab ” sidaasi waxaa warbaahita u sheegay Madaxweyne Maxamed Cadbullaahi Maxamed Farmaajo.

Xogahayaha cusub ee QM Antonio Guterres, ayaa dhankiisa mar uu ka hadlayay abaarta, waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u baahanyihiin kaalmo caalami ah, waxaana uu wacad ku maray in uu garab istaagi doono dowladda cusub.

Waa markii ugu horeysay oo xogahaya cusub ee QM, uu booqasho uu ku yimaado Muqdisho, tan iyo markii xilka uu kala wareegay xogahayihii hore ee Banki-moon. 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay xaalad Musiibo Qaran dhawaan, si wax looga qabto arrimaha bani’aadannimo ee ka jira dhammaan goobaha ay abaaraha saameeyeen ee dalka Soomaaliya.

Tallaabadan ayuu madaxweynuhu sheegay inay muhiim u tahay in laga fogaado musiibo bani’aadannimo oo dalka ka dhacda.

Farmaajo ayaa dhinaca kale ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo qurbo-joogta inay ka qeyb galaan dadaallada looga soo kabanayo abaaraha, si loo yareeyo saameynta abaaraha ee dalka.

Sidoo kale, deegaanadda Abaarta ay saameyay ayaa waxaa laga soo sheegayaa in xaalad adag ay ka jirto.

Ra’iisal Wasaaraha soomaaliya oo dhawaan la kulmay guddiga Abaaraha, ayaa sheegay in 48 saac gudahooda 110 ruux in ay gaajo iyo haraad ugu geeryoodeen Gobolada Bay iyo Bakool.

Hassan Istiila