4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 7 , 2017
Wasiirada arimaha dibada Jaamacadda Carabta oo shir ku yeelanaya Qaahira

 Talaado, Maarso, 07, 2017 (HOL) -Wasiirada arrimaha dibadda dalalka jaamacadda Carabta ayaa kullan ku yeelanaya magaalada Qaahira, iyaga oo ka arisanaya dhowr arrimood oo ay ka mid tahay go’aanka Mareykanka uu safaaraddiisa Israaiil ugu rarayo magaaladda Quddus.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli wasiirka arrimaha dibadda ee Britain Boris Johnson uu booqanayo israa’iil iyo Falastiin.

Shirkaan oo ah mid sanad walba la qabto waxaa kaloo ku jira arimaha loo wadahadlayo xaalada wadamada Suuriya, Liibiya iyo Yemen.

Wadamada ku jira Jaamacada carabta ayaa arimaha qaar aanan ka midaysnayn siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba.

Wadanka yemen oo dowlada Sacuudiga ay ka wada dagaal ay hogaaminayso ayaa isna ah lafdhabar weyn oo shirkan looga hadli doono.

Xaalka dalka Suuriya ayaa isna ah mid u qodobaysan kulankan jaamacada Carabta ee magaalada Qaahira ka dhacaya.

Ugu danbeyntii, madaxweyne Donald Trump ayaa horey u sheegay in safaaradda Mareykanka ee Israaiil uu geyn doono Quddus arrintaasoo ay cambaareeyeen Falastiyiniinta iyo waddamo kale oo caalamka ka tirsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]