4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 7 , 2017
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo Muqdishu yimid

Talaado, Maarso, 07, 2017 (HOL) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antnio Guterres, ayaa hadda ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdishu.

Ujeedka socdaalkiisa ayaa lagu sheegay in ay tahay arrimaha Abaaraha Soomaaliya.

Wariyaal ka tirsan Hiiraan Online, oo ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa soo sheegaya, in amaanka garoonka aad loo adkeeyay,.

Imaanshaha Antnio Guterres, saameyn xoogan kuma yeelan magaaladda guud ahaan, balse markii uu muqdishu sanadkii hore uu imaanayay Moon, waxaa la wada xiray dhamaan magaaladda.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antnio Guterres, ayaa markii ugu horeeysay kasoo degay garoonka muqdishu, waxaana la filayaa in uu la kulmo madaxda dowladda iyo Gudiga Abaaraha Soomaaliya. 

Hassan Istiila
[email protected]