4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 7 , 2017
Maalinta haweenka aduunka oo laga xusay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka

Talaado, Maarso, 07, 2017 (HOL) – Xaflad balaaran oo lagu maamusayay maalinta Haweenka aduunka oo ku aadan 8 March ayaa lagu qabtay Xarunta looga arimiyo gobolka Ohio oo ku taal magaalada Columbus.

Waxaa soo abaabushay Khadro Mohamed Shire oo ah aqoonyahanad u dhaq dhaqaaqda arimaha haweenka isla markaana madax ka ah Ururo kala duwan.

Waxa ka soo qeybgalay haween aad u badan oo ka kala socday qowmiyadaha kala duwan ee ku nool Columbus iyo Madaxdax badan oo ka kala yimid Heer gobol iyo heer degmo halka dhankooda ay ka qwyb qaadanayeen Ganacasato badna oo Soomaali ah.

Dadkii ka hadaly waxa ka mid ahayd Usur Abraar oo madax ka ahaan jirtay Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyada oo xustay kaalinta iyo doorka haweenka Soomaaliyeed ka qaateen bad baadinta Bulshada iyo qoyska Soomaaliyeed mudadii ay colaaduhu jireen, iyo in iminka ay kaalin muuqata ka ciyaarayaan sibadalka Dalka, iyaga oo wali dhabarka u ridanaya Horumarinta iyo Bar baarinta Qoys Caafimaad qaba, Waxay Yusur soo hadal qaaday isbadalka dalku uu galay iyada oo ugu baaqday dadka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan dowlada iyo in shacabka loogu adeego si ka madax banaan waxa ay ugu yeertay Musuq maasuq iyo wax is daba marin.

Haweenkii ka hadlay Xafladan oo u badnaa Ajanabi waxaa ay ka sinaayeen sidii loo horumarin lahaa Garaadka iyo aqoonta haweenka, Taas oo keeni karta Bulsho dhan walba ka dheeli tiran iyaga oo dhanka kale muujiyay in dhibaatooyinka Caalamka ka jira ay haweenku ka madax banaanyihiin.

Masuuliyiintii ka socday Dowlada gobolka Ohio ee hlkaa ka hadlay waxa ay dhankooda Hambalyo u direen guud ahaan Haweenka Aduunka iyaga oo uga hambalyeeyay maalintan kuna booriyay in ay sii laba jibaaraan kaalintooda muuqata ee ay caalamka ku leeyihiin iyo in la gacan qabto haweenka ku sugan dalalka xaaladaha adag ay ka jiraan.

Waa Sanadkii 8aad ee xafladan ay qabnayso Farxiya Moxamed Shire oo Madax ka ah ururka CEO ( Center for Somali Women's_Advancement Organizatin ) iyo ururka kale ee ay ku mideeysanyihiin Jaaliyadaha wadamo African ah oo ka badan 54 dal (FAOO)

Waxay fursad weyn u ahayd xafladani Haweenka kala duwan oo mudadii ay xafladu socotay samaynayay is dhexgal iyo afkaaro is weydaarsi.

Deeqo Shire (SONNA)

[email protected]