Faah faahin ku saabsan dilal saacadihii ugu danbeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho
Talaado, Maarso, 07, 2017 (HOL) –
Magaalada Muqdisho 24 saac ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal kala duwan
oo ay geysteen kooxo hubeysan iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Degmooyinka Yaaqshiid iyo Xamar Jabab ayaa kooxo hubeysan oo aan habeyntooda
la aqoon waxaa ay ku dileen labo ruux.
Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa xalay gurigiisa oo ku yeela degmada Xamar
Jajab ku dhax dilay Nuur Cali Isxaaq,
sida ay warbaahinta u sheegeen dadka degaanka kooxihii dilka geystay ayaa
goobta baxsaday.
Marxuumka la dilay ayaa sida dadka aqoonta u leh HOL u sheegeen waxaa uu horay
uga tirsanaa ciidammadii hore ee dowladda Soomaaliya, balse hada uu ahaa shaqsi
bulshada ka tirsan oo iskii u shaqeysta.
Isla galinkii danbe ee maalintii shalay ayeey koox bastoolado ku hubeysan ku
dileen magaalada Muqdisho haweeney lagu magacaabi jiray Shamso Xaaji oo ka mid
aheyd dumarka ka shaqeeya nadaafada.
Ugu danbeyntii, ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku toogtay
Isgooyska Zope ee magaalada Muqdisho nin dhalinyaro ah oo watay gaari yar,
waxaana la sheegay in ciidamadii toogashada geystay isaga tagee goobta.
Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo laamaha amniga ay ka soo saareen
dilalkan ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]