4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2017
Ciidanka Booliska Somaliland oo ka warbixiyey dhaawac soo gaaray taliyaha saldhiga degmadda Maxamed Mooge ee Hargeysa

 

Isniin, Maarso ,06, 2017 (HOL)- Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland,Faysal Xiis Cilmi ayaa ka warbixiyey nin dhaawacay taliyaha saldhiga Maxamed Mooge ee magaaladda Hargeysa.

Faysal Xiis ayaa sheegay in ninka rasaasta ku furay ciidanka booliska uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka laanta socdaalka Somaliland, isla markaana lagu dabo jiro soo qabashadda ninkaasi lagu eedeynayo inuu dhaawaca u gaystay taliyaha saldhigaasi.

“ Xalay goor dambe ayaa  nin lagu magacaabo Maxamed Daanyeero oo ka tirsan ciidana laanta socdaalka uu rasaas ka riday kaalinta 8aad, markii rasaasta la maqlay markiiba waxa ku baxay taliyaha ciidanka degmadda Maxamed Mooge iyo ciidan uu wato Cabdi Kayd  markiiba wuxuu rasaas ku furay ciidankii waxayna rasaastii ku dhacday taliyihii saldhiga Maxamed Mooge, iyo askari la socday oo cisbitaalka yaalla”ayuu yidhi afhayeenka Ciidanka Booliska Faysal Xiis.

Waxaanu intaas ku daray “ninkaasi xabadda riday gaadhi ayuu ku baxsaday ciidanka booliskuna wuu ku baxay labaddii gaadhi oo uu ku baxsaday waa la soo qabtay gaadhigaasi waxa lagu arkay dhiig waxayna cadaynaysa ninkii gaadhigaasi watay inuu dhaawac yahay, falkaasi eedeysanaha waxa ka caawinayey inuu baxsado laba wiil oo uu isagu dhalay, waxaana ku tallo jiraan inay gacanta ku soo qabtaan.”

Ciidanka boolisku may sheegin sababta rasaastaasi loo riday iyo waxa ninkaasi eedeysana ahi u toogtay askarta, haseyeeshee waxay ku koobeen inay ku daba jiraan soo qabashadda ninkaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.