4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2017
Gabar Qoorta laga gooyay oo laga helay magaaladda Cadaado

 

Isniin, Maarso, 06, 2017 (HOL) – Dadka deegaanka ayaa Hiiraan Online u sheegay in magaaladda Cadaado laga helay, gabar yar oo da’deeda lagu qiyaasay 7-jir oo qoorta laga jaray.

Magaca gabadha lama shaacin, mana jiraan war kasoo baxay waalidiinta gabadha la dilay.

Ciiidamada amniga magaaladda, ayaa la sheegayaa in dad badan ay usoo qab-qabteen falka foosha xun, kuwaa oo raad shaki ah uu soo galay.

Dhacdooyinka noocaan ah ayaan looga baran magaalooyinka dalka Soomaaliya.

Hassan Istiila

[email protected]