4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2017
Askari ka tirsanaa military-ga dowladdii hore oo Gurigiisa lagu dhex dilay

 

Isniin, Maarso, 06, 2017 (HOL) – Koox Bastoolado wadatay, ayaa caawa degmadda Xamarjajab ku dilay, Allah ha-u-naxariistee Nuur Cali Isxaaq, oo ka tirsanaan jiray ciidamadda dowladdii hore ee Soomaaliya.

Marxuumka ayaa lagu dhex dilay gurigiisa oo ku yaala degmadda Xamar Jajab, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

Ciidamadda Police-ka, oo howlgallo ka sameeyay degmadda, ayaan la ogeen cida ay u soo qabteen dilka.

Beryihii lasoo dhaafay, magaaladda caasimadda waxaa kusoo noq-noqday falalka amni darro, iyadoo ciidamadda dowladda ay adkeeynayaan amaanka, guud ahaan dalka Soomaaliya meelaha ay ka joogaan.

Hassan Istiila