4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2017
Haweeney ka tirsaneyd dumarka ka shaqeeya nadaafada oo lagu dilay Muqdisho

 Isniin, Maarso, 06, 2017 (HOL) –Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhaw oo maanta ah ku dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir mid ka mid ah dumarka ka shaqeeya nadaafada.

Qofkan dumarka ah ee la dilay oo lagu magacaabi jiray Shamso Xaaji ayaa la sheegay in ay weerareen kooxo bastoolado ku hubeysan oo markii ay toogeen kadib goobta ka baxsaday.

Ilaa iyo hada lama oga cida ka danbeysay dilka haweeneydan waxaana uu dilkeedan qeyb ka noqonayaa dilal is xig xigay oo waayadii ugu danbeeyay ka dhacayay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]