Isniin, Maarso, 06, 2017 (HOL) – Golaha Guurtida
Somaliland, ayaa maanta u kordhiyey xukuumadda sagaal bilood oo ka bilaabmaysa
dhamaadka muddo xileedkooda oo ah March, 2017.
Sidoo kale waxay u kordhiyeen golaha Wakiiladda iyo guurtidda oo
iyana sanado kala dambayn doono wakhtiga doorashadda loo qorsheeyey.
Kalfadhigan golaha Guurtida waxa shirgudoominayey
gudoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamud Aadan, waxaana golaha usoo jeediyey
inay dhagaystaan guddidii ka soo tallo bixinta mudadda ku haboon ee loo kordhin
karo xukuumadda,isla markaana doorashaddu ku dhici karto.
Guddida ka soo tallo bixinta ayaa soo jeediyey in
xukuumadda loo kordhiyo sagaal bilood, isla markaana doorashaddu dhacdo
December, 13, 2017, waxaanay laba bilood oo qudha ku dareen wakhtigii ay
saddexda xisbi, guddida doorashooyinka iyo madaxweynuhu isku afgarteen oo ahaa
inay doorashaddu dhacdo OCtobar 10,2017.
Waxanay golaha guurtiddu u codeeyeen in doorasahdda golaha
Wakiiladdu qabsoonto December 13,2017, isla markaana sagaal bilood lagu daro
muddo xileedka xukuumadda oo ku eegeed markii hore March,2017.
Sidoo kale waxa golaha
Wakiilada Somaliland u qorsheeyeen inay doorashaddu dhacdo April, 28,2019, halka golaha deegaanka mar wada dhici
doonaan, sidoo kale golaha Guuritda waxa iyaguna u qorsheeyeen inay
doorashaddoodu dhacdo 28-04-2020.
Sidaasna waxa u codeeyey 74
xildhibaan oo ka mid ah 82 xildhibaan ee golaha Guurtiddu ka kooban tahay,
sidaas ayaan lagu meel mariyey.
Saddexda xisbi ayaa soo dhoweeyey, inkastoo ay golaha guurtidda
ku dhaliileen inay gees mareen wakhtigii ay hore iskugu afgarteen oo ay ku
dareen laba bilood, haseyeeshee waxa xisbiyadda ka walaacsanaayeen in muddo
kordhinta ka dhigaan laba sanno taas oo maalmihii u dambeeyey ay xisbiyaddu ka
ololaynayeen in wakhti badan loo kordhiyo.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.