4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2017
Dowladda Imaaraadka oo beenisay in safiirkoodda ay kala baxday Soomaaliya (Wareysi Hiiraan Online)

 

Isniin, Maarso, 06, 2017 (HOL) –  Mid ka mid ah Saraakiisha Safaaradda Imaaraadka ee Magaaladda Muqdisho, oo lasoo xiriiray Hiiraan Online, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dolwadda Imaaraadka Carrabta ay u yeeratay safiirkeeda ka jooga Soomaaliya ee lagu magacaabo, Mohammed  Ahmed Othman Al Hammadi.

Warbaahinta Soomaalida ayaa baahiyay dhawaan in Al Hammadi , uu dib ugu noqday dalkiisa, ka dib markii Imaaradka ay ka caroodeen go’aankii diidmada ahaa ee dowladda Soomaaliya ka soo baxay ee ku aadanaa in Imaaradka aysan ka dhisan saldhig military dekadda Berbera ee Somaliland.

 “Waxaad la socotaa in safiirka uu ku sugnaa xafladdii caleema saarka madaxweyne Farmaajo, waxba kama jiraan in dowladda Imaraadka safiirkooda ay kala baxday soomaaliya, howllo shaqo ayuu soomaaliya uga maqanyahay, dhawaan ayuuna dib ugu soo noqonayaa Muqdishu,  xiriirka Somaliya iyo Imaaraadka wax mugdi ah kuma jiro” sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay sarkaal ka tirsan safaaradda Imaaraadka ee Magaaladda Muqdishu oo diilay in magaciisa la xuso.

Bartamihii bishii lasoo dhaafay ee February, Baarlamaanka Somaliland ayaa ansixiyay heshiis ay Somaliland iyo Imaaraadku ku galeen in saldhig militari uu Imaaraadku ka sameysto magaalada Berbera, heshiiskaas oo soconaya muddo 25 sano ah.

 Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, ayaa Imaaraadka ku tilmaamtay in shaki galineyso madaxbanaanida Qaranimada Soomaaliya, waxaana dowladda ay muujisay sida aysan ugu qanacsaneen saldhiga military, oo aysan ka warqanin dowladda.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah Saldhiga Milateri ee Imaaraadka carabta ka sameysaneyo magaaladda Berbera ee Somaliland.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in heer gabo gabo ah uu u marayo diyaarinta mooshinkan, ayna maalmaha soo socda hor-geyn doonaan Guddoonka Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera ay tahay arrin dhaawaceysa jiritaanka Midnimada Soomaaliya, isla markaana ah xadgudub.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dalbaday dhex dhexaadin in ay ka sameyso Sacuudiga, sidii ay ugu qancin lahayd dowladda Isku taga Imaaradka Carabta in aysan dhamaystirin saldhig Milateri ay ka dhisaneyso Dekada Barbera ee maamulka Somaliland.

Warbixintan ayaa lagu daabacay barta jariidada Riyad Post ee kaso baxda dalka Sacuudiga,  waxana ay soo xiganaysa masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ka mid ah wafdigii u raacay madaxweyne Farmaajo dalka Sacuudiga, waxaana wargeyska uu shaaca ka qaaday, in madaxweynaha uu ka kala hadlay Sacuudigi sidii ay u-dhaxdhexaadin lahed somaliya iyo imaraadka.

Diplomaasiyiinta Soomaalidda oo dhinaca kale la hadlay Hiiraan Online, ayaa sheegay in Imaaraadka aysan ku saxneen iyadoo dowlad dhexe ay ka jirto Soomaaliya, in daba marto.

Hassan Istiila