4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 6 , 2017
Daawo Sawiro la yaab leh oo laga soo qaaday dagaalka Mosul ee dalka Ciraaq


Isniin, Maarso, 06, 2017 (HOL) – Dagaal culus ayaa wuxuu galbeedka Mosul ku dhex maray xoogagga xukuumadda Ciraaq iyo mintidiinta dawladda Islaamka.

Mid ka mid ah taliyeyaasha ciidamada Ciraaq ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in dagaalku uu ahaa kii ugu cuslaa, tan iyo markii la billaabay hawlgalka dib loogu qabsanayo qaybta galbeed ee magaaladaasi labo toddobaad ka hor.

Ciidanka Ciraaq oo ay dusha ka taageerayaan dayaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa ku durkay oo dhowr boqol oo mitir u jirsaday dhismayaasha xukuumadda ee u dhow magaalada qadiimiga ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]