4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2017
Qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Yemen oo wali la soo daabulayo

 Isniin, Maarso, 06, 2017 (HOL) – Waxaa wali soconaya soo daabulista dadka Soomaaliyeed oo ay sameeyeen dagaallada ka soconaya dalka Yemen, waxaana arinta iska kaashanaya safaarada Soomaalida ee dalkaas, hay’adda qaxootiga ee Qaranka Soomaaliyeed iyo hay’addo kale oo caalami ah.

Qunsulka guud ee Soomaaliya ee magaalada Cadan Axmed Cabdi Xasan , oo loo yaqaano Axmed Suudaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dad badan in ay ka soo badbaadiyeen dagaalada dalka Yemen gaar ahaan magaalada Cadan.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in  ay wali socoto daadgureeynta  dadka Soomaaliyeed ee kunool magaalada Cadan .

Waxaa uu sheegay in dooni ay soo saareen 140 qoys oo Soomaaliyeed ,maanta Gelinka dambana ay soo gaari doonaan Magaalada Berbera.

Dadkaan ayaa badankood waxa ay ka soo jeedeen Koonfurta Soomaaliya, waxaana diyaarad looga soo qaadi doona magaalada Berbera, iyadoona la soo gaarsiin doono Muqdisho.

Tan iyo markii dagaalada ay ka bilowdeen dalka Yemen , waxaa socday dadaalo kala duwan oo lagu soo daad guraynaayo dadka ay dhibaato ku heysato magaalooyinka ay dagaallada ka socdaan ee dalka Yemen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]