4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 6 , 2017
Baarlamaanka Soomaaliya oo diyaarinaya mooshin ka dhan ah saldhiga imaaraadka ee Bebera

Isniin, Maarso, 06, 2017 (HOL) – Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah Saldhiga Milateri ee Imaaraadka carabta ka sameysaneyo magaalada Berbera ee Somaliland.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in heer gabo gabo ah uu u marayo diyaarinta mooshinkan, ayna maalmaha soo socda hor-geyn doonaan Guddoonka Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera ay tahay arrin dhaawaceysa jiritaanka Midnimada Soomaaliya, isla markaana ah xadgudub.

Xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa cirka isku sii shareereysa, kaddib markii Imaaraadka Carabta u yeertay Safiirkii u joogay Somalia, sababo ku aadan muranka iyo cabashada dowladda Somalia ka keentay saldhiga Milateri.

Ugu danbeyntii, Imaaraadka Carabta ayaa dhowrkii sano ee u dambeeyay si weyn ugu lug laheyd arrimaha Soomaaliya, iyadoo xiriiro dhow la laheyd maamulada dalka, kuwaasoo qaarkood ugu deeqday saanad militari, iyo gaadiid isugu jira mid ciidan iyo kuwa madaxda lagu qaado ee aan xabadaha karin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]