Cabdiwli Gaas oo ka hadlay isku shaandheyn la sheegay in uu ku sameynayo gollihiisa wasiirada
Isniin, Maarso, 06, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland
Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay warar maalmihii la soo dhaafay isa
soo tarayay oo sheegayay inuu damacsan yahay in is bedel inuu ku sameeyo golaha
wasiirada.
Wareysi uu siiyay Laanta afka
Soomaaliga ee VOA ayuu kaga hadlay xaalada Puntland ka jirta, isagoo xusay in
maamulkiisa wax badan qabtay mudadii xilka uu hayay.
Mar wax laga weydiiyay is bedelka uu
damacsan yahay inuu ku sameeyo Wasiirada ayuu ka gaabsaday xilliga ay dhaceyso,
isagoo xusay in wararkaas ay yihiin kuwa suuqa.
“Is bedelka dowliga ma ahan mid
suuqa laga sameeyo iyo maqaadaha, dadka iyaga iska jecel, dowladda is bedelka
iyo tallaabada ku haboon ayay waqtigeeda qaadeysaa, warkaas warka suuqa weeye,
marka ay soo baxda ayaa arkeynaa”ayuu yiri C/wali Gaas.
Mar la weydiiyay caburinta uu ku
haayo saxaafada Puntland, ayuu sheegay in aanay waxba ka jirin, isagoo xusay in
maamulkiisa aanay jirin cid uga dabacsan Saxaafada, isagoo xusay in marar badan
wax laga sheegay, ayna dadka xir xirin oo aanay afka qabin.
Ugu danbeyntii, waxaa uu sheegay
madaxweynaha Gaas in marnaba la aqbali doonin cid kasta oo sida uu hadalka u
dhigay abaabul iyo kicin bulsho sameyneysa, taa badalkeedana ka maamul ahaan
soo dhaweynayaan in wixii jira laga wada hadlo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]