4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 6 , 2017
Shil gaari oo ay ku dhinteen laba qof oo ka dhacay Muqdisho

Isniin, Maarso, 06, 2017 (HOL) – Ugu yaraan laba ruux ayaa geeryootay, halka mid kalana uu dhaawacmay, kadib markii shil gaari uu ka dhacay wadada 21-ka October  ee magaalada Muqdisho, sida goobjoogayaal ay sheegeen.

Shilka ayaa waxaa uu dhashay,  kadib markii ay isku dheceen Gaari  NOHA ah mid kale oo Xamuul ah.

“ Shilka waxaa uu dhacay Saaka aroortii, Gaariga NOHA-da ayaa waxaa ay ku dhacday, gaarigii Xamuulka, waxaan arkay dhaawacyo” sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.

Bilihii lasoo dhaafay, waxaa magaaladda Muqdishu ku soo yaraanayay shilalka noocaan oo kale ah oo sanadihii lasoo dhaafay ku soo noq-noqday caasimada.

Hassan Istiila