4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 6 , 2017
Ciidamada Jubbaland oo sheegay in ay soo qabteen rag ka tirsan Al Shabaab

Isniin, Maarso, 06, 2017 (HOL) – Ciidamada Nabadsugida maamulka Jubbaland ayaa warbaahinta u soo bandhigay laba ruux oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Xarakadda Al Shabaab.

Taliyaha ciidamada Nabadsugida Jubbaland ee Gobolka Gedo Cali Abshir Xasan, ayaa sheegay in labada qof ee ciidanka ay gacanta ku soo dhigeen in lagu soo qabtay howlgal ciidamadda ay ka sameyeen magaaladda Balad-xaawo ee Gobolka gedo.

Masuuliyiinta amniga wali ma aysan soo bandhigin, magacyada raga ay sheegeen in ay soo qabteen.

Todobaadkii lasoo dhaafay, waxaa deegaannada Jubaland ka socday baritaano ay sameynayaan ciidamada Jubaland.

Hassan Istiila

[email protected]