4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2017
Maamulka Gobolka Banaadir oo 60 kun oo dollar ku wareejin doona Guddiga Abaaraha

 

Axad, Maarso, 05, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, Saraakiisha laamaha Amniga, Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka iyo Mas’uuliyiin kale, ayaa manta kulan looga hadlayay ugurmashada dadka ay abaaruhu saameyeen iyo amniga ku qabtay degmadda Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in 60 kun oo dollar oo ay iska soo uruuriyeen maamullada degmooyinka iyo Deeq Raashin  oo iyana laga soo uruuriyay Ganacsatada Soomaaliyeed dhawaan lagu wareejin doono Guddiga Abaaraha si adeeggaan  loo gaarsiyo dadka Abaaruhu Saameeyeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay xaalad Musiibo Qaran todobaanka, si wax looga qabto arrimaha bani’aadannimo ee ka jira dhammaan goobaha ay abaaraha saameeyeen ee dalka Soomaaliya.

Tallaabadan ayuu madaxweynuhu sheegay inay muhiim u tahay in laga fogaado musiibo bani’aadannimo oo dalka ka dhacda.

Farmaajo ayaa dhinaca kale ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo qurbo-joogta inay ka qeyb galaan dadaallada looga soo kabanayo abaaraha, si loo yareeyo saameynta abaaraha ee dalka.

Sidoo kale, deegaanadda Abaarta ay saameyay ayaa waxaa laga soo sheegayaa in xaalad adag ay ka jirto.

Ra’iisal Wasaaraha soomaaliya oo shalay la kulmay guddiga Abaaraha, ayaa sheegay in 48 saac gudahooda 110 ruux in ay gaajo iyo haraad ugu geeryoodeen Gobolada Bay iyo Bakool.

Hassan Istiila

[email protected]