4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 5 , 2017
Danjire Micheal Keating oo la kulmay ra’iisal wasaare Kheyre iyo guddoonka aqalka sare

 Axad, Maarso, 05, 2017 (HOL) – Danjiraha Qaramada Madoobey ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa maanta kulamo la qaatay ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyo Guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Danjire Keating ayaa ugu horeyn ugu tagay xarunta madaxtooyada ra’iisul wasaare Kheyre, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku aadan caqabadaha hor-taagan Ra’iisul Wasaaraha, sida wax ka qabashada xaalada abaareed iyo magacaabida Golaha Wasiirada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda uu soo dhiso doono ay xoogga saari doonto arrimo badan, gaar ahaan arrinta gurmadka abaaraha oo ah caqabada koowaad.

Sidoo kale Danjire Keating ayaa booqday Xarunta cusub ee Aqalka sare, halkaasoo uu kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiye kuxigeenka Aqalka Sare Abshir Axmed Bukhaari iyo Senatarada.

Guddoonka Aqalka sare ayaa kala hadlay Danjire Keating howlaha horyaala Aqalka sare iyo waajibaadka, iyadoo Danjiruhu soo dhoweeyay habsami u socodka howlaha ka socda Xarunta Aqalka sare.

Maalintii shalay ayuu sidoo kale Danjire Keating la kulmay Madaxweyne Farmaajo, isagoo ku booqday xafiiskiisa, waxaa uu kala hadlay arrimaha abaaraha, ammaanka, xoojinta wada shaqeynta dowlad goboleedyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]