4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2017
Imisa qof ayaa qaraxyo iyo dilal ku geeryootay tan iyo markii la doortay dowladda cusub?

 Axad, Maarso, 05, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa 8-dii bishii February loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

Intii uu ku jiray Ololihiisa doorasho, waxyaabihii uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa, wax ka qabashada xaaladaha amni ee soomaaliya, gaar-ahaan magaaladda Muqdisho.

100-kii maalin ee madaxweynaha uu qabsaday, ayaa waxaa uu ka marayaa maalmihii ugu horeeyay, waxaa loogu cudur daari karaa, in uusan wali xafiiska si rasmi ah u-sal dhigan, uuna wali wado latashiyo dhinacyo badan ah.

Hoobiyaal ku soo dhacay 16 bishii February degmadda Wardhiigleey, waxaa ku geeryootay ugu yaraan Afar qof  oo laba kamid ah ay ahaayeen carruur.

19 bishii February, qarax ka dhacay suuq yar oo ku yaalla degamadda Wadajir, waxaa ku geeryootay 40 ruux, oo shacab u-wada badnaa. 

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ballan qaaday in $100 kun oo dollar la siin doono qofkii sheega akhbaar ku saabsan gaari walxaha qarxa ku xiran yihiin.

Sidoo kale degmadda Dharkeynley, waxaa lagu dilay shaqsiyaad isugu jiray ciidan iyo rayid, kuwaasoo tira ahaan garaya shan ruux, sidaasi si lamid ah, 18 bishii February, Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Qaranka Xasan Maxamed Cali ayaa la dhaawacay, waxaana la dilay mid kamid ah ilaaladiisa.

Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo dhawaan la kulmay laamaha amaanka dowladda, waxaa uu ku amray, haddii aysan soo qaban karin shaqsiyaadka magaaladda dilalka ka geysanaya in ay shaqada isaga tagaan. 

18-bishii February Afhayeenkii hore ee Maamulkii Ximan iyo Xeeb isla markaana ahaa Milkiilihii Idaacadda Gobolada Dhexe ayaa  lagu dilay magaaladda Muqdisho, kaddib markii gaari uu watay lagu rasaaseeyay degmadda Hodan.

Sidoo kale nin ganacsada ah ayaa magaaladda lagu dilay, waxaana askari ka tirsan Police-ka uu dilay xaaskiisa.

Tirada-wadareynta waxaa ay gaareysaa 53 ruux, in labadii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay magaaladda Muqdisho.

Rajada ah in Farmaajo, uu wax ka qabto xaaladaha amni daro ee magaaladda caasimada ee Muqdishu ayaa ah mid aad u sareysay.
 
Falanqeeyayaasha siyaasadda Soomaaliya, ayaa Hiiraan Online u sheegay in halista amni darada ee Muqdisho aysan ahayn mid gaar ah.
 
Hassan Istiila