4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 5 , 2017
Faafaahin: AMISOM oo duqeymo ka geysatay Gobolka Shabeelaha Dhexe

Axad, Maarso, 05, 2017 (HOL) – Ciidamadda AMISOM, ayaa duqeymo xoogan ka fuliyay Tuulooyin hoos taga degmadda Mahadaay, ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Tuulooyinka ciidamadda ay madaafiicda ku garaaceen ayaa waxaa la sheegay in ay ku sugnaayeen Al Shabaab, kuwaasoo isku diyaarinayay in ay dagaal ku soo qaadaan saldhigyada ciidamadda Midowga Africa ee Shabeelaha Dhexe.

Lama sheegin wax khasaara ah oo ka dhashay duqeynta, balse dadka deegaanka, ayaa Hiraan Online u sheegay in ay maqleen daryanka madaafiic ku hoobaneysa xaafado hoos taga degmadda Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xaalada ayaa hadda deggan, waxaana ciidamadii Al shabaab ee ku sugnaa halkii la duqeyay la sheegay in ay dib ugu noqdeen saldhigyadooda.

Midowga Afrika ayaa rajaynaya in ay dib uga qabsadaan Al Shabab meelaha ay haysataan ee Soomaaliya oo dhan wixii loo gaaro 2018, waxayna markaa kaddib bilaabi doonaan in ay askartooda la baxaan, ayadoo booskoodana ay ku wareegi doonaan millateriga Soomaaliya.

Dalalka Afrikaanka ah ee ciidamada soo diray ayaa ku hanjabaya in ay hawlgalka ka bixi doonaan maadaama ay sheegeen in beesha caalamku aysan siinayn taageeradii loo baahnaa.

Midowga Yurub ayaa hoos u dhigay dhaqaalihii uu hawlgalka ku bixin jiray, BBCd-duna waxay dhawaan ogaatay in AMISOM askartooda aan muddo bilo ah lacag la siin.

Sidaas oo ay tahayna Al Shabaab oo cadawgooda ah, weli waxay gacanta ku hayaan gobollada qaarkood, waxayna weli wadaan ol'ole borobogaando ah oo ay ku qoranayaan dagaallamayaal iyo taageerayaal.

Hassan Istiila

[email protected]