4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 5 , 2017
Golaha Guurtidda Somaliland guddi u magacaabay ka soo tallobixisa mudadda loo kordhin karo xukuumadda

 Axad, Maarso, 05, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa magacaabay guddi 21 xubnood ka kooban oo ka soo tallo bixin doona muddo kordhinta xukuumadda loo samaynayo,,isla markaaana muddo 48 saacadood ah ku soo jeediyaan muddo kordhin.

Gudoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan oo golaha ka hor hadlayey ayaa yidhi “Hawlihii qaranku inaga sugayey ee kale ayeynu dhamaynaynaa, guddi 21 qof ayaan magacaabayaa oo uu gudoomiye ka yahay gudoomiye ku xigeenka kowaad, waxaana culayska u saarnay inay cid walba iska aragto”.

Guddidan oo ka kooban 21-Xildhibaan ayaa waxay ka soo tallo-bixin doonaan muddo Kordhinta loo sameynayo Xukuumadda. Waxa kale oo ay ka soo tallo-bixinayaan waxa laga yeelayo aqalka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanada oo wakhtigoodii sii dhamaanayo.

Dhinaca kale, xisbiyadda qaranka ayaa golaha GUurtidda u gudbiyey inay ku saleeyaan muddo kordhinta ay isku afgarteen saddexda xisbi iyo madaxweynuhu, taas oo loo mudeeyey Octobar 10,2017, haseyeeshee, golaha Guurtida ayaa iyagu ku adkaysanaya inay waajibaadkii uu dastuurku u siiyey inay muddo kordhin sameeyaan ay samayn doonaan, isla markaana ay iyagu u taallo.

Saddexda xisbi ayaa ka walaacsan in muddo ka badan wakhtigii la isku afgartay inay kordhiyaan golaha GUurtidda, halka dadka saadaalinayaa tilmaamayaaan in illaa laba sanno suuragal tahay inay kordhiyaan.

Si kastaba ha ahaatee, maalinta Barri ayaa la dhawri doonaa mudadda isku afgartaan in la kordhiyo, maadaama oo iyagu awood uleeyihiin inay wakhtiga doonaan kordhin karaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.