4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2017
Ciidamada dowladda oo ku guuleystay in ay ka hortagaan Qarax la dhigay suuqa Xamarweyne

Axad, Maarso, 05, 2017 (HOL) – Ciidamadda dowladda Soomaaliya, ayaa ku guuleystay in si nabad-galyo ah ay ku qaadaan, Bam-gacmeed la dhigay afar irdoodka Suuqa-Xamarweyne ee magaaladda Muqdishu.

Saraakiisha Nabadsugidda, ayaa xiray goobtii la dhigay qaraxa, waxaana ay bilaabeen howlgallo mudo kooban.

“ Suuqa waxaa ka bilaawday kala carar, iyadoo goobaha ganacsiga ay furanyihiin, ilaa ciidamadda ay kasoo gaaraan goobtii qaraxa uu yaalay” Xamdi Yuusuf oo ka mid ah ganacsatada suuqa ayaa Hiiraan Online u sheegtay.

Xaalada Suuqa Xamar-weyne, ayaa si caadi ah kusoo noqday, kadib markii ciidanka ay ka tageen. 

Masuuliyiinta dowladda, ayaa ka codsaday shacabka in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka.

Hassan Istiila

[email protected]