Axad, Maarso, 05, 2017 (HOL) – Arbacadii todobaadkii hore aynu soo dhaafnay
ayeey aheyd markii codka kalsoonida uu ka helay xildhibaannada baarlamaanka ra’iisal
wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.
Tan iyo wixii waqtigaa ka danbeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya
kulamo iyo wada tashiyo la xiriira dhismaha xukuumada cusub ee laga sugayo ra’iisal
wasaaraha codka kalsoonida ka helay baarlamaanka.
Ra’iisal wasaaraha ayaa wada tashiyo kala duwan la yeelanaya xildhibaanno,
waxgaradka beellaha iyo aqoonayahano dhamaantood ka tala bixinaya nooca
xukuumada la soo dhisayo iyo sida beelaha loogu qeybinayo wasaarada madaama
dowladda dhamaanteed ku dhisan tahay habka qabaa’ilka ee 4.5.
Waxaa jira xusul duub adag oo beelaha qaarkood ugu jiraa in ay hantaan
wasaarada ugu miisaanka culus xukuumada oo inta badan marka la eego si gaar ah
isha loogu wada hayo.
Inkastoo dad badan saadaalinayaa in xukuumada cusub ee la soo dhisayo
intooda badan xubnaha ka mid noqonaya laga soo xuli doono meel ka baxsan
baarlamaanka, hadana dhinaca kale waxaa jira xildhibaano galangal xoog leh ugu
jira siddii ay uga soo dhax muuqan lahaayeen golaha wasiirada cusub ee ra’iisal
wasaare Xassan Cali Kheyre.
Mashquulka ugu badan ayaa xiligan waxaa uu ka jiraa xafiiska ra’iisal
wasaaraha oo la leeyahay waxaa isugu tagay shaqsiyaad xil doon ah iyo waxgarad
ka socda beelaha Soomaaliyeed oo doonaya in ay ka tala bixiyaan dhismaha
xukuumada.
Inkastoo mudo 30 cisho uu sharciga u ogolaanayo ra’iisal wasaaraha in uu ku
soo dhiso gollihiisa wasiirada, hadana waxaa muuqata in madaxweynaha iyo ra’iisal
wasaaraha ka go'an tahay in mudo intaa ka yar lagu soo magacaabo xukuumad
ilaa xad ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Ugu danbeyntii, lama oga tirada rasmiga ah ee golaha wasiirada cusub ka
koobnaan doonaan, lakaiin marka dhinaca kale la eego si loo qanciyo beelaha
Soomaaliyeed oo idil waxaa ay dad badani qabaan in wasiirada ka badnaan doonaan
20 wasiir, halka wasiir ku-xigeennada iyo wasiiru-dowlayaasha laga yaabo in ay intaa ka sii badan karaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]