4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2017
Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlay abaarta ka jirta Soomaaliya

 Axad, Maarso, 05, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ka hadlay xaaladda Abaaraha ee ka taagan gobolada dalka Somaliya, xilli dadka iyo duunyada haraad iyo gaajo ay u geeriyoonayaan.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka Recep Tayyip Erdoğan, ayaa wuxuu ku sheegay in Somaliya xilligaan ay ka jirto xaalad qatar ah oo dhanka abaaraha ah, marka la fiiriyo nolosha dadka iyo duunyada sida ay tahay.

“Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay macluul iyo dhibaato Bini’aadanimo oo aad u xun xilligan, marka dowladda Turkiga iyo shacabkeeda oo isku duuban gurmad ayay gaarsiin doonaan Somaliya.” ayuu yiri Erdoğan.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sidoo kale sheegay in Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ay biloowday olole ballaaran, oo dhaqaale loogu aruurinayo shacabka Somaliyed ee ku dhufatay abaarta.

Xukuumadda Turkiga iyo shacabkeeda, ayaa 2011 gurmad xooggan u samaysay Somaliya, oo xilligaasi ay ka jirtay Macluul daran, oo galaafatay nolosha in ka badan 260,000 oo qof oo caruur iyo haween u badnaa.

Turkiga ayaa saaxiib dhaw la ah Somaliya, marka la eego dhanka Siyaasadda iyo arimaha Bulshada, waxaana la xusuustaa kaalintii Turkiga uu ku lahaa u gar gaarida shacabka Somaliyed ee dhibaatada abaaraha haysatay sanadkii 2011-kii.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]