4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 5 , 2017
Maamulka Hirshabeele oo sheegay in uu dib u howlgalinayo garoonkii Cisaley iyo dekeda Ceelmacaan

 Axad, Maarso, 05, 2017 (HOL) – Maamulka gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay dib u howlgalin doonaan dekeda macmalka ah ee Ceel Macaan iyo garoonka diyaaradaha ee Cisaley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo mudo ka badan 15 sano ah aan la isticmaalin.

Wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo uu wehliyay Madaxweyne kuxigeenka Cali Guudlaawe ayaa kormeer ku tagay Dekeda Ceel Macaan iyo deegaanka Ceel cadde oo ku yaalla duleedka Muqdisho.

Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dib loo howl geliyo labadaas goobood oo muhiim u ah dhaqaalaha Maamulka Hirshabeelle

Waxaa rajo laga muujiyay dib u howl gelinta Garoonka Cisaley, kaasoo ay sheegeen inuu ka soo degi doonaan diyaaradaha Hey’addaha sama falka iyo kuwa Qaadka ka keena Kenya.

Ugu danbeyntii, hadii dib loo howlgaliyo dekeda Ceel Macaan waxaa la leeyahay waxaa shaqo abuur ka heli doona dhalinyarada iyo xoogsatada deegaanka, kuwaasoo shaqo la’aan soo food-saartay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]