4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2017
Ciidamo ka tirsan AMISOM oo lagu weeraray Sh/Hoose

Axad, Maarso, 05, 2017 (HOL) - Gawaari ay la socdeen ciidamadda Midowga Africa ee AMISOM, ayaa qarax lagula eegtay deegaanka Laanta-Buure ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Qaraxa kadib, waxaa dadka degaanka ay maqleen rasaas xoogan oo ay fureen ciidamada AMISOM.

“ Waxaan maqalnay qarax, kadibna, rasaas, gaari ay wateen ciidamada AMISOM waxaa gaaray bur-bur lixaad leh” mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Hiiraan Online u shegay.

Deegaanka Laanta-Buure ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa saldhig ku-leh ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana guud ahaa deegaanka gacanta ku haya dowladda.

Shalay kolonyo ay la socdeen ciidmadda dowladda Soomaaliya waxaa Qarax miino lagula eegtay degmadda Qoryooley ee Shabellaha Hoose.

Hassan Istiila
[email protected]