4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 5 , 2017
Kenya oo ka foojigan weeraro uga yimaado Al-shabaab

 Axad, Maarso, 05, 2017 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ka feejigan tahay weeraro qorsheysan oo xarakada Al Shabaab ay ka geystaan magaalooyinka Mombasa, Nairobi iyo sidoo kale saldhigyada ay ku leedahay gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in si weyn loo adkeeyay ammaanka xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya , islamarkaana ciidamada ay wadaan howgallo lagu baadigoobaayo dagaalyahanada ka tirsan Al-shabaab ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya iyo sidoo kale xadka ay wadagaan labada dal.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay heshay xog ku aadan in Al-Shabaab ay qorshanayaan weeraro ay ka geystaan dalka Kenya , gaar ahaan magaalooyinka Mombasa iyo sidoo kale Mandera.

Taliyaha guud ee ciidanka difaaca dalka kenya ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Kenya ay ku jirto feejignaan dheeri ah , islamarkaana ciidankeeda ay diyaar u yihiin in ay Al-Shabaab ka ilaaliyaan in ay kasoo gudbaan xadka wadaagaan labadal.

Taliyaha ayaa ugu baaqay ciidanka joogga saldhigyada dalka Kenya in ay muujiyaan Feejignaan dheeri ah madaam ay suurta gal tahay in Xarakada Al-Shabaab ay ku soo qaadaan weeraro gaadmo ah.

Ugu danbeyntii, waxaa uu sheegay in dowladda Kenya ay laba jibaartay howgallada ay ka wado xadka Soomaaliya iyo Kenya ka dib markii ay kordheen weerarada ay qaadayaan Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]