4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 5 , 2017
Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres oo maanta tagaya dalka Kenya

Axad, Maarso, 05, 2017 (HOL) -Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa lagu wadaa in uu maanta tago magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Ujeedada safarka xoghayaha guud ee QM ayaa lagu sheegay in tahay in uu kulamo kala duwan uu la qaato madaxda geeska Africa oo ay Soomaaliya ay ka mid tahay ,islamarkaana uu kala hadlo abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale Koonfurta Sudan.

Madaxda geeska Africa ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan xoghayaha , islamarkaana ay u soo bandhigaan baahiyaha ka jira Soomaaliya.

Qaramada Midoobey ayaa horay uga dayrisay abaaraha ka jira Soomaaliya , waxaana ay dalalka adduunka ay ka codsatay in ay wax ka qabtaan abaaraha madaama ay saameyn ku yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madax ka socota dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta gaaraan magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya si ay ula kulmayaan xoghayaha.

Ugu danbeyntii, xoghayaha guud ee QM Guterres ayaa markii  ugu horeysay booqasho ku tagaya dalka Kenya tan iyo intii noqday xoghayaha Qaramada Midoobey.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]