Gollaha wasiirada oo kulankoodii ugu horeeyay maanta ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)
Khamiis, Maarso, 30, 2017 (HOL) - Golaha wasiirada ee xukuumada Soomaaliya
ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horeeyey kadib ansixintii Baarlamaanka ee
shalay 29 Maarso 2017.
Kulanka waxaa guddoominayay ra’iisal wasaaraha
xukuumada Xassan Cali Kheyre, waxaana ugu horeyn looga hadlay ajande ka kooban
soo dhoweyn, nidaamka iyo xeerararka shirarka Golaha, diyaarinta xil la
wareegida wasiirada cusub, qorshaha xukuumadu ku shaqeyn doonto, arrimaha
amniga iyo abaaraha.
Ugu horeyn ra’iisal wasaaraha oo furay shirka ayaa ku wargeliyay wasiirada
in shacabku uga fadhiyo xukuumada howl adag oo hufan, loona baahan yahay in
laga dhabeeyo rajada shacabka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray golaha wasiirada
cusub inay buuxiyaan Foom ay ku cadeynayaan in xubin kasta oo ka mid ah golaha
uu waajibkiisa u guto si daacad ah, Aamin ah, ayna soo bandhigaan macluumaad
rasmi ah oo ku aaadan hantida gaarka ah, iyada oo la waafajinayo sharciga, si
loo helo isla xisaabtan dhab ah.
Sidoo kale, ra’iisal wasaaraha ayaa ku dheeraaday dhismaha wasaaradda gargaarka,
wuxuuna xusay in xukuumadu muhiimad gaar ah siisay taakuleynta shacabka, isaga
oo faray hay’addaha caalamiga, kuwa gudaha, hay’addaha dowliga, iyo dhamaamba
shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Wasaaradan, si loo gaarsiiyo shacabka
abaaruhu aafeeyeen gurmadka ay u baahan yihiin.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa mar uu ka
hadlayay Arrimaha Amniga dalka, waxa uu Golaha Wasiirada ku booriyay in awooda
la isugu geeyo sugida amniga iyo xasilinta dalka, wuxuuna carabka ku adkeeyey
in loo baahan yahay in la dejiyo Istaraatiijiyad Heer Qaran ah oo lagu hubinayo
shaqada iyo Hufnaanta hay’addaha Amniga.
“Waxaan galnay marxalad cusub, waana inaan u diyaar garowno sidii shacabka
loo gaarsiin lahaa, nabad, xasilooni iyo dib u heshiisiin” ayuu yiri
ra'iisal wasaaraha oo ka hadlayay shirka Golaha”. ayuu yiri ra’iisul wasaarahu.
Ugu dambeyn kulanka golaha wasiirada ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa
warbaahinta la hadlay Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Eng.
C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), isagoo saxaafada uga warbixiyay waxyaabihii
looga hadlay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]