4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 30, 2017
Taliyaha Booliska Somaliland oo beeniyey warar maalmihii u dambeeyey magaaladda Hargeysa la isla dhexmarayey

 Khamiis, Maarso, 30, 2017 (HOL) – Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Gen:Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa been ku tilmaamay hilib maalmo ka hor la qabtay oo dadka qaar u qaateen inuu yahay hilib bani’aadan.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay dad la sheegay in la sixrayo ee muddooyinkan dambe dadweynaha cabsi galiyey, waxaanu sheegay in kiisaas ay u qabteen 23 dhacdo, balse afar ka mid ah uun yeesheen Raad raac inta kale ay been tahay.

“Waxa jira dad sheegaya in la qabtay talaagad ay ku jiraan xubno ka mid ah jidhka bani’aadamka, taas oo aan sal iyo raad toona lahayn, qofka war aan jirin oo been ah faafiya waxa lagu qaadi doona qodob nabadgalyadd ah, marka qofku warka uu sheegayo waa inuu iska hubiyaa.”ayuu yidhi Fadal.

Mar uu ka hadlayey arrimaha dadka la sixraayo waxa uu sheegay in wararkaasi u badan yihiin been abuur, isla markaana dad waxyeello kale ka cabanaya u dhigayaan in la sixrayo, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Illaa hadda waxa na soo gaadhay 23 dhacdo oo arintaasi sicirka la xidhiidha, afar ka mid ah ayaa yeeshay raad raac, laba waxa u xidhan shan qof, laba baadhistooda gacanta lagu hayaa, boolisku markii ay baadhis qoto dheer ku sameeyeen afarta dhacdo ee raadka leh, mid wuxu noqday isku day kufsi, mid waxay ahayd gabadh yar oo si khiyaamo ah lagu kaxeeyey waxaana u xidhan afar qof, halka laba kale oo kiis oo ah laba hablood oo laga soo kaxaystay Burco baadhisteedu wali socoto, sagaal iyo tobanka ka kale ee kiis dhamaantood waxay noqdeen been abuur, waxa iyagana u xidhan afar qof oo ka mid ah dadkii been abuurkaasi sameeyey, intii baadhistu socotay waxaanu ogaanay arrimahan: waxa meesha ku jirta tahriib xeeladaysan, oo boolisku is dul taagay, dadkii fulinayey mid ka mid ahna ay gacanta ku hayaan, iyo hablo ka cararayey rag la siinayey ama la siiyeyba”

Maalmihii u dambeeyey waxa magaaladda Hargeysa iyo baraha bulshada la isla dhexmarayey warar ku saabsan inay jiraan kooxaha ka ganacsadda dadka oo xubnaha jidhka iyo dad dadka sixraya oo kaxaysanaya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.