4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 30, 2017
Madaxweyne Cosoble : Xaafado ka tirsan Muqdisho ayaa hoostaga maamulka Hirshabeelle

Khamiis, Maarso, 30, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka hadlay arimo la xiriira xuduudaha iyo xadka uu maamulkiisa la wadaago gobolka Banaadir, ayaa sheegay in xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ka tirsan yihiin maamulka Hirshabeelle.

‘’Xaafado ka tirsan Huriwaa iyo Kaaraan ayaa ka tirsan maamulka Hirshabeelle, laakiin dadka degan hadda isku heystaan in ay toos u hoostagaan gobolka Banaadir ayuu yiri madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cosoble.

Dhinaca kale, mar uu soo hadal qaaday garoonka diyaaradaha Cisaley iyo dekeda Ceelmacaan ayuu sheegay in aysan shaki ku jiran in ay ka tirsan yihiin maamulka Hirshabeelle, isaga oo ka digay in arintaa muran siyaasadeed la galiyo.

‘’In maanta la dhaho Cisaley iyo Ceelmacaan Xamar ayaa laga xukumayaa waa arin kale, haddii ay taa dhacdo maamulka go’aan cad ayuu ka qaadan doonaa’’ ayuu yiri madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosobole.

Ugu danbeyntii, arintan ku saabsan nidaamka federaalisam –ka iyo xuduudaha ayaa u muuqda mid muran hor leh iyo khilaaf ka dhax abuuri kara gobollada dalka oo laga yaabo in ay isku qabtaan maamulka deegaannada qaarkood oo qolo walba dhinac u sheeganeyso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]