4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 30, 2017
Gollaha wasiirada cusub oo kulankoodii ugu horeeyay maanta yeelanaya

 Khamiis, Maarso, 30, 2017 (HOL) - Gollaha gollaha wasiirada oo maalintii shalay codka kalsoonida ka hellay baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah yeeshaan kulankoodii ugu horeeyay.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maalintii shalay iclaamiyay kulan deg deg ah oo ay yeelan doonaan xubnaha gollaha wasiirada kaa oo diirada lagu saari doono qodob dhowr ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dowladdiisa mudnaan gaar ah siin doonto arrimaha gurmadka abaaraha iyo ammaanka.

Waxaa uu sheegay in la gaaray waqtigii la soo afjari lahaa falalka argagaxa iyo amni darada, isagoo xusay inay abaabuli doonaan bulshada si la isaga kaashado arrimaha ammaanka.

Ugu danbeyntii, ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay yeeshaan gollaha cusub ee wasiirada dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]