4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 30, 2017
Maxaa diirada lagu saarayaa shirka London Somalia Conference?

 

Khamiis, Maarso,30, 2017 (HOL) –Shirka London Somalia Conference, waxaa uu dhacayaa 11 bisha May ee sanadka 2017, waxaana kasoo qeyb-gali doona, madax ka kala socota dhamaan wadamada Bariga Africa, marti sharaf iyo shaqsiyaad ka kala socda hey’adda caalamiga ah.

Shirka waxaa diirada lagu saari doonaa.:

1-      Xaqiijinta ammniga

2-      Dib-uhabeynta siyaasada iyo dowladnimada

3-      Hormarinta dhaqaalaha

4-      Heshiisyo cusub

Sandkii 2011, dalka Soomaaliya waxaa ku dhuftay abaaro saameysay deegano badan oo ay maamulayeen Al Shabaab, waxaana abaartaasi ay galaafatay nolosha dad badan, sidoo kale isla sanadkaasi waxaa jiray afduubyo ay geysanayeen kooxaha burcad badeeda.

Soomaaliya ayaa kasoo kabsatay dhibaatooyinkaasi, kadib markii sanadkii 2012 la dhameystiray dowladnimada Soomaalidda, waxaana biloowday Qariirada federaaliisamka, sidoo kalana ay ciidanka AMISOM ay la wareegeen magaalooyin badan.

Shirka Londan, ayaa waxaa uu muhiimada gaar ah u leeyahay taageerad umadda Soomaaliyeed.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia